Skip to main content

Soomaali

Hubi inaad diyaar tahay haddii korontada go’do

Korontada mar mar ayuu go’i karaa, badanaa sababo aan waxba ka qaban karin. Sidaas awgeeda waxaan kula talineynaa inaad is diyaargareyso.

  • Toosh meel fiican dhig
  • Raadiyaha batariga ama gacan lagu buuxsho diyaari si aad uga dhegeysato wararka ugu dambeeyo ee deegaanka ka hesho.
  • Telefoonada casriga ah ee aan fiilada laheyn ma shaqeyaan markii korontada go’do. Diyaarso telefoon analog caadiga ah ee fiilada ku xiran .
  • Qalabyada elekteronikada ee qaaliga ah sida kombayuutarka ku badbaadi bareesada looga hortago butaacid koronto.
  • Haddii aad qabtid kursiga wiishka ah ee jaranjarada lagu rakibo, eeg haddii u leeyahay meel gacanta lagu sii daayo sidii kursiga si ammaan ah dhulka lagu celiyo haddii uu istaago.

Sida loo soo wargeliyo korontada go’day

Ha u maleynin inaan iska og nahay haddii korontada kaa go’o. Sida ugu dhaqsi badan noo soo wac. Waxaad codsan kartaa in turjubaan khadka kugu turjumo. Haddii aan ognahay dhibaatada waxaan awoodi karnaa inaan kuu sheegno goorta korontada dib loo sii dayn doono. Fadlan naga soo wac:

0800 6783 105

Dadka baylaha ah iyo kuwa ku xiran qalabyo koronto

  • Haddii caafimaad ahaan aad u isticmaasho qalab korontada ku shaqeeyo, fadlan hubi in qalabyadaas qabaan bateri haddii korontada go’do.
  • Waxaan caawinaad dheeraad ah siinna macmiiladeena baylaha ah – fadlan na soo wac iyo codso in laguu sheego warar ku saabsan Diiwaangelinta Adeegyada Mudnaanshada sida loo kala daranyahay (Priority Services Register):
    • Wac: 0800 096 3080

(Isticmaaleyaasha telefoonada qoraalka waxay 18001 gelin karaan ka hor lambarada kor si aad u isticmaasho Text Relay si aad ku hesho adeegga).